Wafti Ka Socday Jaamaamacada Jamhuuriye Ee Magaalada Muqdisho Oo Soo Booqday Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Bosaso.

Waxaa Jaamacada Culuumta Caafimaadka Soo Booqday wafti ka socday jaamacada JAMHURIYA UNIVERSITY OF SCIENCE & TECHNOLOGY Ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana Hogaaminayay Gudoomiyaha Jaamacada Hamhuuriya Mohamed Ahmed Mohamud iyo Madaxa Cilmi Baarista Ee Jaamacada Jamhuuriya.

Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Caafimaadka Prof.Abdirizak Hussein Hassan,Gudomiye Ku xigeenada  adminka iyo Acedemic iyo Deamka Facultyada Jaamacada Culuumta Caafimaadka ayaa ka qeybgalay kulanka lala qaatay waftiga.

Ujeedka Kulankaa ayaa ahaa in jaamacada jamhuuriya in ay Xiriir Wada Shaqeyn La Sameyso Jaamacada Culuumta Caafimaadka ee Magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha Jaamacada Hamhuuriya Mohamed Ahmed Mohamud ayaa Yiri. Jaamacada Culuumta Caafimaadka Si Fiican baan u naqaanay aana u aragnay dad dhaqaatiir ah oo ay jaamacada soo saartay laguna ogaaday in ay jaamacada tahay mid tayo badan oo lagu daydo.

Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Caafimaadka Prof.Abdirizak Hussein Hassan ayaa oogu horeyn waftiga ooga Mahad Celiyay Soo Booqashada Jaamacada Culuumta Caafimaadka oogan war bixiyay jaamacada iyo Heerka Sare oo ay joogto laguna bartay in ay soo Saarto Kaadiriin Caafimaad oo Tayo leh.

Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso ayaana Soo Dhaweysay Xiriirkaa Is Kaashi Ee Jaamacada Jamhuuriya Ee Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

 

Leave a Reply