Wafdi Ka Socday Haayada UNFPA,Wasaarada Caafimaadka puntland Iyo Puntland Association Midwife Oo La Kulmay Maamulka Sare Ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka.

Waxaa Jaamacada Culuumta Caafimaadka soo booqday oo maamulka sare ee jaamacada la kulmay wafdi ka socday Haayada UNFPA Iyo Puntland Association Midwife (Pam)  ururka umulisooyinka puntland iyo Wasaarada caafimaadka puntland.

Ujeedada wafdigan ayaa ahaa in ogaadaan Manhajka ardada umulisanimada ay jaamacada barto waxaana u sharaxay Hormuudka Kuliyada Nursing ararso iyo sidoo kale maamulka jaamacada.

Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Caafimaadka Prof.Abdirizak Huseen Hasan  ayaa  waftigii la kulmay war bixin buuxdo ka siiyay Manhajdka iyo sida uu u tayeysanyahay ee lagu dabaqay waxbarashada ardada midwife  la baro iyo Heerka waxbarashada ee jaamacada.

Wafdigii ka socday Haayada UNFPA iyo Ururka umulisooyinka puntland- Puntland Association Midwife(PAM) iyo wasaarada caafimaadka puntland  ayaa aad oola dhacay sida ay jaamacada ardada wax u barto.

Sidoo kale wafdiga waxay soo kormeereen qeybaha jaamacada sida practical Room Nursin ,Practical Room laboratory iyo sidoo kale libraryga  jaamacada iyo qeybaha kale ee jaamacada.

Halkaan ka daawo sawirada.

Leave a Reply