Macalimiin Ka Socday Jaamacada Culuumta Caafimaadka Oo Si Balaaran Loogu Soo Dhaweeyay Dugsiga Sare Ee Najax (Sawirro)

Macalimiin Ka Socday jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso ayaa si weyn loogu Soo Dhaweeyay Dugsiga Sare ee Najax ayna la Kulmeen ardada fasal 12 Ee Dugsiga Ee Sanadka ka Qalin Jabinayo.

Ustaad Asad Garad,Ustaad Abdinasir Abdullahi iyo ustaad abdalla oo Dhamaantood ka mid ah macalimiinta jaamacada culuumta Caafimaadka ayaa ardada dugsiga Najaax warbixin dheer ka siiyay waxbarashada tayada leh oo ay jaamacada bixiso iyo facultyada ardada ayaana Soo Dhaweeyay waxbarashada tayada leh ee jaamacada.

Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso ayaa ah kaadirka Caafimaad ee dalkeena oogu weyn oo dhaqaatiir badan soo saartay.

Halkaan Ka Daawo Sawirrada.

 

Leave a Reply