Maamulka Jaamacada Culuumta Caafimaadka Oo Ka Tacsiyeeyay Ardaydii ku dhimatay Shilkii Baabuur Ee Iskoolka Ugaas Yaasiin.

TACSI
انا لله وانا اليه راجعون

Maamulka Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso Oo oogu Horeeyo Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Caafimaad Prof:Abdirizak Hussein Hassan Waxay ka tacsiyaynayaan geeridii naxdinta lahayd oo ku dhacday 5tii arday oo ka mid ahaa Fasalka 12aad ee Dugsiga sare ugaas yaasiin ee Degmada Boosaso dhimashadaas oo sababtay shil gaari oo ka dhacay waddada ee aado laag ee Boosaaso,
Alle ha u naxariisto dhallinta yartaa oo ahaa mustaqbalka dadka iyo dalkaba.
ilaahay intii ku dhaawacantayna caafimaad sariica ha siiyo.
Maamulka jaamacada Culuumta Caafimaadka ayaa Si gaar ah ooga tacsiyeynaya Maamulka Dugsiga sare ugaaas Yaasiin iyo waalidiintii ay ka dhinteen dhalinyara allena Samir iyo Iimaan ha ka siiyo.

Alle qabriga ha u qaboojiyo dhamaam ardaydaas shilka ku geeriyootay.

انا لله وانا اليه راجعون.

Leave a Reply