Jaamacada Culuumta Caafimaadka Oo Soo Gabagabeysay Imtixaankii Finalka Koowaad Ee SemesterKa.(Sawirro)

Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso ayaa Soo gabagabeysay imtixaankii finalka ahaa ee Semesterka oo ay ardada ooga gudbayaan Semesterka inta imtixaanka ku baasto.

Jaamacada ayaa imtixaanka bilowday  5-1-2019 oo ay ardada guud ee jaamacada  dhigato imtixaanka u fadhiisteen.

Ardada jaamacada culuumta caafimaadka ayaana si wanaagsan imtixaankii oogu soo gabagaboobay oo ay ku dheehantahay farxad ay muujinayaan.

Maamulka imtixaanaadka ee jaamacada iyo maamulka guud ee jaamacada ayaana sheegay in si wanaagsan uu imtixaankii ku soo dhamaaday oo farxad leh.

Jaamacada culuumta Caafimaadka ayaana ardada fasax ilaa 26-01-2019 oo ardada ay soo noqonayaan oo duruustii bilaabanayso.

Maamulka jaamacada ayaana ardada oogu hambalyeeyay fasaxooda oo si nabad leh ay ku soo noqdaan u rajeeyay.

Halkaan Ka Daawo Sawirada .

Leave a Reply