Jaamacada Culuumta Caafimaadka oo qalab casri ah oo Laboratory ah Soo bandhigtay (Daawo Sawirada)

Jaamacada Culuumata Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso ayaa Soo Bandhigtay Qalab Casri ah oo Laboratory ah.

Qalabka Oo ah Laboratory Instrument and Glassware ayaa Jaamacada waxaa oogu deeqay Organizationka Lab Aid Ee Wadanka Britain.

Qalabkan oo ah mid casri ah Soomaaliya aan horay loo keenin ayaa ardada jaamacada culuumta caafimaadka u ah Fursad Dahabi ah.

Qalabka ayaa lagu Soo bandhigay labka  practicalka jaamacada culuumta caafimaadka waxaa joogay Maamulka jaamacada,Macalimiinta jaamacada iyo ardada sheybaarka ee jaamacada.

Gudoomiyaha Jaaamacada Culuumta Caafimaadka Prof.Abdirizak Husein Hassan oo joogay halka qalabka lagu soo bandhigayay ee jaamacada ayaa arkay mid walba oo ka mid ah qalabkan Casriga ah sheegayna in ay fursad muhiim ah u Tahay Ardada jaamacada culuumta caafimaadka.

Maamulka Jaamacada Culuumta Caafimaadka  ayaana u Mahadceliyay Organizationka Lab Aid Ee Wadanka Uk ee qalabka jaamacada oogu deeqay.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada.

Leave a Reply