Jaamacada Culuumta Caafimaadka Oo La Gudoonsiiyay Shahaado Sharaf(Daawo)

Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee  puntland  Oo Xaflad ku qabatay Magaalada Garawe ayaa abaal Marin gudoonsiisay jaamacada culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso oo Ka qeyb qaadatay lacagtii isku Tashiga aheyd ee Lagu Dhisayay Wadada Ceel-Daahir-(Ceerigaabo.

Jaamacadda Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso ayaa Door weyn ka qaadatay Lacagtii Lagu Dhisayay Wadada Ceel-daahir (ceerigaabo.

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee puntland abshir aw yuusuf ayaa sheegay in jaamacada culuumta caafimaadka ay tahay mid ka Qeyb qaadato Hormarka Guud ee puntland .

Sidoo Kale Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim xaaji cumar camey oo Xaflada shahaado sharafta lagu gudoonsiinayay jaamacada ku  sugnaa ayaa U Mahadceliyay Jaamacada culuumta Caafimaadka oo Door weyn ka qaadatay Dhismaha wadada Ceel-daahir(ceergaabo.

Waxaana u gudoomay jaamaacada shahaadada Drs.Najmo Abdirizak Hussein oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso.

Halkaan Ka Daawo.

Link Hoose Click Ku dhufo

Jaamacada culuumta

Leave a Reply