Haayada Save,Waaxda Xirfadaha Ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Iyo Jaamacada Culuumta Caafimaadka Oo Xaflad u Qabtay ardaydii Ku Guulaystay Imtixaankii Laga Qaaday.

Jaamacada Culuumta Caafimaadka iyo Haayada Save ayaa Maanta Xaflad Balaaran waxaa Gudaha Jaamacada Loogu Qabtay ardaydii ku guulaystay imtixaankii laga qaaday oo ay soo codsadeen waxbarasho lacag la,aan ah oo ay soo bandhigtay haayada save jaamacada culuumta ay fulinaysay door weyna ay ka qaadatay waaxda xirfadaha ee wasaarada waxbarashada puntland.

Ardayda ku guulaysay imtixaankii la qaaday ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqday farxad sare.

Eng abdirashiid  oo ku hadlayay afka jaamacada culuumta caafimaadka ayaa ardada ku soo dhaweeyay jaamacada sheegayna in dadaal xoogan muujiyaan si ay ooga mira dhaliyaan hadafkooda.

Sidoo kale Xafladaa waxaa ka Hadlay Agaasimaha waaxda xirfadaha ee wasaarada waxbarashada  puntland mahad  Abdiqadir Xaaji  xuseen ardadana ku dhiirigaliyay in ay waxbarashan ay ka faa,idaystaan oo ay la imaadaan dadaal xoogan ayna la socon doonaan waxbarashadooda.

Waftiga save ka socday ayaa sheegay in ay ardada si toos ah waxbarshada ay u furantahay berina ay bilaabayaan  ayna ka faa,idaystaan.

Halkaan ka daawo sawirada.

Leave a Reply