Haayada Save iyo Jaamacada Culuumta Caaafimaadka Oo Is Kaashanayo Oo Arday Imtixaan ka Qaaday Si ay Ooga Faa’idaystaan Waxbarasho Lacag la’aan ah.

Haayada Save ayaa waxbarasho bilaash ah u soo bandhigtay ardayda dugsiyada sare dhameeyay ee aan iska bixin Karin waxbarashada jaamacada waliba laba kuliyadood ee ah Nursing iyo pharmacy oo Diploma ah Waxna ay ku baranayaan Gudaha Jaamacada Culuumta Caafimaadka oo wax barashada bixinayso oo ay Haayada Save ku Dooratay Jaamacada culuumta in ay Tahay mid ka Tayo Fiican.

Maanta oo aheyd Khamiis ayaa Haayada save,Wasaarada Waxbarshada ee degmada Boosaaso iyo Jaamacada Culuumta Caafimaadka  ay ka qaadeen imtixaankii ardayda soo codsatay fursadaan.

Haayada Save Madaxdii Ka Socday ayaa ardada imtixaanka ku guulaysto kula dardaarmay in ay Waxbarashadooda ka Faa’idaystaan ayna u tahay fursad qaali ah.

Cabdulaahi oo ah gudoonka waxbarshada ee degmada boosaaso oo ardada imtixaanka u furay ayaa ardada ku booriyay sheegayna in jaamacada culuumta caafimaadka sababta lagu doortay in ay waxbarshada fuliso ay Tahay mid Tayeysan oo lagu kalsoonyahay.

Eng.Abdirashiid yuusuf oo Ku hadlay afka jaamacada culuumta caafimaadka ayaa ooga mahadceliyay Haayada save iyo wasaarada waxbarshada ee degmada boosaaso sida ay jaamacada oogu xusheen arinkan.

Halkaan ka daawo sawirada.

Leave a Reply