Dugsiga Sare Ee Raascaseyr Ardadiisa Fasalka 12 Iyo Maamulka Iskuulka Oo Si Wanaagsan U Soo Dhaweeyay Macalimiin Ka Socotay Jaamacada Culuumta Caafimaadka.(Sawirro)

Ardada Fasalka 12 Ee Sanadka Ka Qalin Jabinayo Dugsiga raascaseyr Iyo Maamulkooda ayaa soo Dhaweyn Balaaran usameeyay Macalimiin ka socotay jaamacada Culuumta Caafimaadka.

Kulanka Muhiim ah ayaa waxaa Dhexmaray ardada fasalka 12 iyo macalimiintii jaamacada looga sheekeeyay Facultyada jaamacada bixiso iyo Taariiqda Jaamacada.

Ustaad Abdinaasir Abdullahi oo ka mid ah macalimiinta Jaamacada Culuumta Caafimaadka ayaa  ardada iskuulka qaab Muuqaalka u Tusay Qalabka Muhiimka ah ee Jaamacada ardada wax Ku barto iyo ururada Muhiimka ah ee jaamacada ku jirto ee Dhanka caafimaadka.

Ardada ayaana sheegay in caafimaadka ay xiisaynayaan oo ay ka baran Doonaan Jaamacada Culuumta Caafimaadka.

Halkaan Ka Daawo Sawirada

 

Leave a Reply