Dr. Baadiyow Iyo Masuuliyiin Sar sare oo Jaamcada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso Soo Booqday.(Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Caafimaadka ee Magaalada Boosaaso prof Abdirizak Husein Hasan iyo Maamulka Kale ee jaamacacad ayaa si wey u soo dhaweeyay Dr.Abdurahmaan Abdullahi Baadiyow iyo wafti la socady oo uu ka mid yahay Ugaas xasan ugaas Yaasiin iyo masuuliyiin kale.
Prof.Abdirizak Husein Hasan Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Caafimaadka ayaana Waftiga soo booqday jaamacada ooga warbixiyay marxaladihii jaamacada iyo heerka ay manta joogto oo ah mid sare oo ay soo saarto kaadiriin caafimaad oo lagu kalsoonyahay.
Ugaas Xasan ugaas Yaasiin oo la socda heerka ay taagantahay jaamacada culuumta caafimaadka ayaa qiray in ay tahay jaamacada culuumta caafimaadka ay tahay jaamacadii oogu horeysay ee laga hirgaliyay puntland oo ku soo bilaabatay marxalado kale gadisan ayna soosaartay kaadiriin caafimaadka oo joogo xarumaha caafimaad oogu badan ee soomaaliya.
Dr.Abdurahmaan Abdullahi Baadiyow ayaa sheegay in uu ka warhayey in jaamacada culuumta Caafimaadka ay tahay mid tayo sare leh oo soosaartay dhaqaatiir wax ku ool ah.
Sidoo kale waxaa gudoomiyaha jaamacada culuumta caafimaadka prof abdirizak Husein Hasan uu kulan la qaatay uqaabilsanaha wadanka Sweden Ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Suldaan Abdirahmaan Mohamed oo ka yimid Sweden oo jaamacada culuumta caafimaadka aqoonsiyo caalami ah ay ka heysato jaamacadaha Midowga yurub iyo Africa.

 

Daawo Sawirro.

 

 

 

Leave a Reply