Dhaqaatiir Ka Socda Wadanka Ingiriiska Oo Soo Booqday Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso(Sawiro

Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso ayaa Soo Dhaweysay Dhaqaatiir ka socday wadanka Ingiriiska oo soo Booqday jaamacada.

Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Caafimaadka prof.Abdirizak Hussean Hasan iyo Gudoomiye ku xigeen jaamacada ee Dhanka adminka Eng abdirashid yuusuf ayaa la kulmay Dhaqaatiirta ka yimid ingiriiska oogana warbixiyay Heerka waxbarashada ee jaamacada.

Drs Lul Khalif,Drs Deka khalif,lul ahmed iyo Sadia Ahmed oo ahaa Gabdhaha dhaqaatiirta ee soo booqday jaamacada culuumta caafimaadka ee magaalada boosaaso ayaa qeybaha ay ka koobantahay jaamacada la tusay oo ay kormeereen ayagoo qiray in jaamacada ay tahay mid Tayo Badan oo qalab casri ah oo practical lagu sameeyana jaamacada heysato.

Waxayna sheegeen in kormeerkoodan ay ku imaadeen jaamacada oo ay ku doorteen in ay ku ogaadeen in jaamacada culuumta caafimaadka boosaaso ay soo ogaadeen in ay Tahay jaamacad Tayo wanaagsan leh oo Dhaqaatiir badana ay soo saartay.

Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Caafimaadka prof.abdirizak Hussean Hasan ayaa ay Mahad celiyeen Soo Dhaweyntii iyo Xog warankii uu siiyay.

Halkaan Ka Daawo Sawirada.

Leave a Reply