Daawo=Macalimiinta Jaamacada Culuumta Caafimaadka Oo Booqday Dugsiga Sare Ee Minaaratu Al Baydaa Ee Magaalada Boosaaso

Jaamacadda Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso ayaa booqatay Dugsiga Sare Ee Minaaratu AlBaydaa Ee Magaalada Boosaaso Halkaas oo ay kula kulantay Maamulka iskuulka iyo ardayda fasalka 12 Ee Sanadkan Dugsiga Sare Ka gudbayo.

Macalimiintii Ka Socotay Jaamacadda Culuumta caafimaadka ayaa u sharaxay facultyada iyo waxbarashada tayada leh ee ay jaamacada bixiso.

Ustaad Asad Garaad oo ka Mid ah Macalimiinta  jaamacada culuumta caafimaadka ayaa ardada Dugsiga sare Ee Minaaratu albaydaa U sharaxay facultyada kala Duwan ee ka baxo jaamacada iyo shuruudaha aqbalaada jaamacada ardada ayaana la Dhacay waxbarashada ay jaamacada ay bixiso.

Sidoo kale Abdinasir abdullahi ali oo ka mid ah Macalimiinta jaamacada culuumta ayaa ardada u sheegay in jaamacada culuumta Caafimaadka xooga saarto practical taas  oo ay muhiim u tahay ardayga tayadiisa,

Jaamacada Culuumta Caafimaadka ayaana sidoo kale ardada u balan qaaday in ay kala qeyb qaadanayso Xaflada ardada ay dhiganayaan iyo arimo kale ardada ayaana si farxad ku Dheehantahay jaamacada oogu riyaaqay.

 

Halkaa ka daawo Sawirada,

 

Leave a Reply