Daawo-Sawiro Qeybii 1aad =Xafladii Weynayd Ee Ay Ardayda Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ku Qalin Jabiyeen.

Maalintii Talaada aheyd ee 2-4-2019 waxaa jaamacada culuumta Caafimaadka Boosaaso ka dhacday xaflad qalin jabin ah oo ay ku qalin jabiyeen 75 Arday oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho.

Ardayda ayaa ka qalin jabiyay kuliyahada Kala ah – Bachelor in Clinical  Nursing Bach 6, Bachelor in Public Health Bach 3 iyo Bachelor in Medical Laboratory Bach 1.

Xaflada Jaamacada oo ay ardada ku qalin jabinayeen waxbarashada waxaa ka soo qeyb galay wasiiradii abid oogu badnaa Sida Wasiirka waxbarashada, Wasiirka Dekadaha,Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Wasiirka kaluumeysiga

Sidoo kale Waxaa joogay Wasiir ku xigeeno iyo Agaasimayaal.

Sidoo kale Xaflada Waxaa ka Soo qeyb galay Duqa Degmada Boosaaso iyo Gudoomiyaha Gobalka Bari Dhado.

Waalidiinta oo aad oogu faraxsanaa caruurtooda oo qalin jabinayo ayaa ka soo qeyb galay xaflada iyo marti sharaf kale oo uu ka mid yahay Ugaas Xasan.

Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Caafimaadka Prof.Abdirizak Husein Hassan ayaana ardada qalin jabinaysay  oogu Hambalyeeyay qalin jabintooda iyo dadaalkii ay Sameeyeen.

Hormuudyadii Kuliyadah Qalin Jabinayay ayaa sidoo kale ardada oogu Hanbalyeeyay Heerka ay waxbarashada ardada ka gaareen ayna sii wataan.

Ardadii Qalin Jabinayay ayaa u Mahad Naqay maamulka Jaamacada Culuumta Caafimaadka oo heerkaa Soo gaarsiiyay ayna jaamacada Culuumta Caafimaadka ay ka heleen waxbarasho tayo leh oo ay ku shaqeyntaan dadka iyo dalkana wax oogu qabtaan.

Halkaan Ka Daawo Sawirada Qeybtii 1aad.

Leave a Reply