Ardayda Food and Nutritionka Semester Three ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka oo qabtay Howlo Caafimaad.(sawiro)

Ardada Kuliyada Food and Nutritionka semester Three ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso ayaa Sameeyay Howlgal lagu Miisaamayo Qofka  iyo Dhererkaba oo ay ka bilaabeen jaamacada.

Ardada ayaana watay Qalabka Casri ah oo qofka Marka uu fuulo si sax ah u soo Saarayo Miisaanka Culeyska  qofka iyo dherer ahaanba ka dibna la diwaangalinayay.

Ardada Food and Nutrition ayaana Sameynayay Body Mass oo lagu Soo saarayay Heerka Nafaqada ee qofka halka uu gaarsiisanyahay.

Ayagoona Talo Siinayay Qofka Nafaqo yari heyso iyo qofka Miisaankiisa halka uu joogo iyo qofka siduu u cuni lahaa cunto isku dheelitiran

Sidoo kale ardada ayaa talo ahaan u siinayay dadka miisaankooda sareeyo in ay sameeyaan jimicsiyo kala duwan.

Jaamacada Culuumta Caafimaadka ayaa Mar walba ardada dhigato jaamacada ku dhiirigaliso in ay sameeyaan Howlgalo caafimaad oo bulshada Muhiim u ah.

Jaamacada Culuumta Caafimaadka ayaana ah kaadirka Caafimaadka ee Dalkeena.

Halkaan Ka Daawo sawirrada.

Leave a Reply