Ardayda Clinical nursing semester one ee jaamacada culuumta caafimaadka oo soo bandhigay qaabka loo sameeyo Firs Aid ama Gargaarka deg-dega ah.

Ardayda Kuliyada Clinical Nursing  Semester one ee jaamacada culuumta caafimaad ee boosaaso oo qaab practical ah u soo bandhigay sida loo sameeyo gargaarka deg-deg ah ama First Aid.

Ardayda ayaa soo bandhigay marka uu qofka dhaawac soo gaaro sida oogu wanaagsan ee loola tacaalo.

Waxay qeexeen qaabka bukaanka loo dabiibo sida duritaanka iyo dhayitaanka qofka dhaawaca ah.

Waxaay isticmaalayeen qalab loogu talagalay firs aid ama gargaarka degdega ah oo casri ah.

Dr Maxamed Mire oo ah macalinka ardada practicalka siiyay ayaa sheegay in ardada si wanaagsan u soo bandhigeen firs aid iyo wixii la baray.

Jaamacada culuumta Caafimaadka ayaa mar walba u taagan sidii ay usoosaari laheyd kaadiriin caafimaad oo dhaxalgal ah.

 

 Daawo sawirada.

Leave a Reply