Ardada fasalka 12 ee Sanadka ka Qalin jabinayo Dugsiga Sare Ee Biyo Kulule Ee Magaalada Boosaaso oo Qiray in jaamacada Culuumta Caafimaadka ay Tahay Kaadirka Caafimaadka xilli ay Macalimiinta Jaaamacada Booqdeen Dugsiga=Sawiro.

Macalimiin Ka Socday Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso ayaa booqdayday Dugsiga Sare Biyo Kulule Ee Magaalada Boosaaso waliba Fasalka 12 ee sanadkan Ka Qalin Jabinayo iskuulka ayay macalimiinta la kulmeen.

Maamulaha iskuulka Biyo Kulule Ustaad Abdirashiid ayaa si weyn iskuulka oogu soo dhaweeyay Macalimiinta Jaamacada Culuumta Caafimaadka sheegayna in jaamacada culuumta caafimaadka ay tahay mid lagu kalsoonyahay waxbarashada ay bixiso oo ay tahay jaamacada oogu horeyso ee Taqasuska Caafimaadka Bixiso.

Ustaad Abdiwaahid oo ka socday Jaamacada Culuumta Caafimaadka ayaa oogu horeyn maamulka Dugsiga  iyo ardada ooga Mahad Celiyay Soo Dhaweyntooda ka dibna ustaadka ayaa ardada Dugsiga u sharaxay Taariiqda jaamacada,Xiriirka ay laleedahay jaamacadaha dibada iyo faculty ay bixiso jaamacada culuumta Caafimaadka ee Magaalada Boosaaso.

Ardada Dugsiga Sare ee Biyo Kulule Ee Fasalka 12 ayaa Jaamacada Culuumta Caafimaad u qiray in ay tahay mid tayo badan oo ay ka warhayeen ayna doonayaan marka ay Dugsiga Sare Sanadka Soo Dhameeyaan ay Imaan Doonaan Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Magaalada Boosaaso.

Halkaan Ka Daawo Sawirada

 

Leave a Reply